Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysey ka hadlay duulaankii DFS ku qaadday deegaamada…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysey ka hadlay duulaankii DFS ku qaadday deegaamada Koonfur Galbeed iyo qorshaha doorashooyinka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Siciid Deni, waxa uu sheegay in tallaabadii lagu saaray Lafta-gareen ay tusaale cad u tahay qorshaha dowladda ee laalista dastuurkii lagu heshiiyey iyo hanaanka federalka ah ee ay qaadatay jamhuuriyadda Saddexaad ee Somalia, wuxuuna ugu baaqay reer Puntland inay difaac u diyaaar garoobaan.
“Maamullada halla dumiyo ayaa socota, aan diyaar-garowno si aan u difaacano oo u ilaalshano deegaamadeena”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa shaaciyey in Villa Somali qorshaysatay burburinta maamulada iyo inay gobol gobol u maaamusho guud ahaan dalka awooddana lagu soo koobo Madaxtooyada Somalia.
“Hadalka Cali Wajiis oo sheeganaya inuu La-taliye u yahay Xasan Shiikh ee ku saabsan in Federaalka la burburiyo oo awoodda lagu ururiyo Xamar, waa mid uu aaminsan yahay Xasan Sheekh. Waxaan uga digayaa inuu qaato dalabaadkaas Xasan”, Ayuu yiri markale madaxweyne Xasan Sheekh.



