Madaxweyne Deni oo saacado ku sugnaa Garowe ayaa ku hoyday Qardho.

17 May, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gelinkii dambe ee shalay ka soo laabtay Magaalada Muqdisho…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gelinkii dambe ee shalay ka soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa habeenimadii xalay ku hoyday Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Siciid Deni, oo shalay galab ka soo degey Garoowe ayaa saacado kooban ku sugnaa aqalka madaxtooyada isagoo intaas kadib usii gudbey Magaalada Qardho oo uu xalay ku hoyday.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada ayaa HM u sheegay in Madaxweynuhu maalmaha soo socda kulamo la qaadan doono qaar kamid ah bulshada gobolada Bari iyo Karkaar, kadib burburka wadahadaladii Muqdisho.

Jimcadii ayey burbureen wadahadalo xal loogu raadinayey khilaafka doorashooyinka Somalia, kadib markii DFS ku adkaystay inaysan ka laaban doonin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.