Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo dagaalka Cal-miskaad ka hagayey Magaalada Boosaaso ayaa maanta…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo dagaalka Cal-miskaad ka hagayey Magaalada Boosaaso ayaa maanta u safray dalka Itoobiya oo wararku sheegayaan inuu uga sii gudbi doono magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta.
Siciid Deni ayaa wararku sheegayaan inuu kulamo la qaadan doono saraakiil iyo madax katirsan labadaasi dowladood oo arrimaha ammaanka iyo dagaalka argagixisada ka gacan siiya ciidanka difaaca dowladda Puntland.
Kadib safarka Dubai waxaa lafilayaa in madaxweyne Deni u gudbi doono Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isagoo kulamo la qaadan doono wakiilo ka socda caalamka iyo Madaxweynaha Jubbaland.
Xiriirka Puntland iyo Jubbaland ayaa hoos u dhacay tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xilligaan lafilayaa inay isku soo dhowaadaan maadaama ay kamidaysan yihiin diidmada qorshaha Villa Somalia.