Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diyaar garaw ugu jira safar uu ku aadi doono Magaalada…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diyaar garaw ugu jira safar uu ku aadi doono Magaalada Muqdisho oo uu ka furmi doono shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.
Siciid Deni, oo gelinkii dambe ee shalay soo gaarey Garoowe ayaa kujira kulamo hoose oo salka ku haya mawqifka Puntland ee shirka ka furmi doona Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in safarka Deni ee Muqdisho uusan waxba ka beddeli doonin mowqifkii Puntland ee wadashaqaynta Puntland iyo DFS, haseyeeshee uu daarran yahay arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Somalia.
Madaxweynaha Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa siweyn uga arrinsan doona arrimaha doorashooyinka, ammaanka, midnimada iyo xaaladda guud ee Somalia wajahayso xilligaan.



