Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiisha hoggaaminta iyo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiisha hoggaaminta iyo hubka culus noocyadiisa kala duwan ee hawlgallada la dagaalanka Argagixisada ee Calmiskaad iyo Calmadow.
Ciidankan waa dufacadii 6-aad ee hoggaaminta la baro ee kasoo baxday dugsiga tababarka ee PMPF ee magaalada Boosaaso, Waxaa saraakiisha lagu baray fulinta hawlgallada gaarka ah, adeegsiga hubka culus, iyo yaraynta khasaaraha goobaha dagaalka. Tababarkan oo ay bixiyeen khuburo amni oo caalami ah, ayaa sidoo kale ciidamada lagu baray hoggaaminta iyo hagidda ciidamada goobaha dagaalka, isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan hubka culus ee goobaha dagaalka.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland Gen Muumin Cabdi Shire, Agaasimaha Guud ee Ciidanka PMPF , Sareeye Guuto Cabdulrabi Cabdisamed Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed Colow, Agaasime Ku-xigeenka PMPF Maxamuud Salaal Cumar, Taliyaha Howlgelinta Ciidanka PMPF Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, Taliye Ku-xigeenka Howlgelinta Ciidanka PMPF G/Sare Maxamuud Abshir Ismaaciil (Leewar) iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka PMPF.




