Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaamada Puntland oo muddooyinkii dambe siweyn ugu kharaqmay badda u dhexaysa Yurub iyo Galbeedka Afrika.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dhalinyarada naftooda ku halligaysa aysan wax dhaliil ah lahayn, maadaama laga diley rajadii iyo mustaqbalkii ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.
“Dhaliisha aan u jeedinayno dhalinyaradeena mas’uuliyaddaas inagaa iska leh maxaa yeelay hankii ayaan ka dilnay oo Mustaqbalkoodii ayaan mugdi gelinay, qofku inuu meel walba isku tuuro xaq buu u leeyahay, caqli ku filan oo ay isku celiyaanna maleh”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri markale,”Cidda gabtay Mas’uuliyaddaas waa dadka waaweyn heerarkooda kala duwan, midka dhaqanka ha ahaadeen ama culimada ha ahaadeen ama Mas’uuliyiinta dowladda, dhalinyaraduna dhaliil maleh ee waxay u baahan tahay toosin”.