Madaxweyne Deni oo shaaciyey inuusan faragelin doonin xulista barlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,…

25 April, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa habeenimadii xalay Qasriga Madaxtooyada Kulan wadatashi ah kula qaatay qeybo ka mid ah Aqoonyahanka iyo waxgaradka Puntland.

Kulanka ayaa looga tashaday xaaladda hubanti la’aanta ah ee Dalku galay iyo doorka Puntland, maadaama wakhtigii Baarlamaanka Soomaaliya uu dhammaaday 14-Kii April 2026, isla markaana muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliyana ay ka harsatahay 20cisho, iyadoo uusan jirin illaa iyo hadda wax-heshiis ah oo marxaladan looga gudbayo si ay dalka uga dhacdo Doorasho heshiis lagu yahay oo wada ogol ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in beeluhu si madax banaan ay u soo xulan doonaan xildhibaanada ku matali doona Federaalka, islamarkaana aan isaga mar dambe lagu eedeeyn doonin faragelin.

“Waa ogahay in aad igu eedeeysaan – waad na boobtay, hadeerba dadka u sheega ma faragelin doono kuraasta Baarlamaanka, qabiilada ayaa xulan doona ciddii ay rabaan, anigana mar dambe la iguma eedeeyn doono arinkaas” ayuu yiri madaxweyne Deni oo la hadlayay haldoor uu xalay kulan la qaatay.