Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in burcad-badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya ay gadaal ka…

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in burcad-badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya ay gadaal ka riixayaan dalal shisheeye oo dano ka leh khayraadka badda Puntland, wuxuuna xusay in arrinta burcad-badeednimada loo adeegsan karo marmarsiiyo lagu soo geliyo ciidamo shisheeye xeebaha.
Siciid Deni, ayaa sheegay in Puntland aysan aqbalayn in dowlado shisheeye ay waxyeello u geystaan dadkeeda ama ay si aan sharci ahayn u gurtaan khayraadka badda, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in Puntland aysan ogolaan doonin in xaaladda burcad-badeednimada loo adeegsado marmarsiiyo lagu farageliyo biyaha iyo xeebaha Puntland.
“Waxaa la rabaa in la yiraahdo Puntland waa difaaci wayday burcad-badeedda, kadibna xeebaha ciidamo la soo dhoobo oo khayraadkeena gurtaan, Ma aqbalayo inay dowlado iska dur durinaayo inay iska laayaan dadkeena”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Deni ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ciidamadii iyo maraakiibtii shisheeye ee horey uga howlgalay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inay la dagaallamayaan burcad-badeedda. “Ogaada kuwii berigii hore yimaaday ee la lahaa caalamka baa burcad-badeedda la dagaalamaya waxay xaalufiyeen baddeenna”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.




