Madaxweyne Deni oo sheegay inuusan Muqdisho ka tegi doonin heshiis la’aan.

12 February, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey safarkiisa…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey safarkiisa Magaalada Muqdisho iyo qorshaha mucaaradka ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlayey shir u dhexeeyey golaha Mustaqbalka iyo xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia ayaa sheegay inaysan ka tegi doonin Muqdisho inta jiho sax ah loo bixinayo doorashooyinka dalka.

“Madaxweyne Deni oo ka hadal ka jeediyay kulan ay yeesheen Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa yiri “h”alkan kama tagayno illaa dalka aan jid sax ah qaadsiino, waxa kale ee la hayo waa hadal, wax kasta oo la malmaluuqo oo aan loo midaysnayn ma shaqayn doonaan”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa dhaliil u jeediyey xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Koonfurta dalka, wuxuuna xusay in xilligii Farmaajo ay dedaal dheeri ah bixin jireen si kursiga looga tuuro,”xildhibaanadii Hawiye ee 2021-kii meeshaan nagu jiir jiiri jiray meel ay aadeen ayaan garan waayay, Xamar idinkagama tagayno ee waan idinku qabsanaynaa.”