Aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ayaa saaka markii ugu horraysay waxaa ka furmay shir looga…

Aqalka Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ayaa saaka markii ugu horraysay waxaa ka furmay shir looga arrinsanayo sidii Puntland mawqif cad uga qaadan lahay xaaladda guud ee Soomaaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaraya mawqifka Puntland ee marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, muranka doorashooyinka iyo Aqoonsiga Somaliland ay ka heshay maamulka Yuhuudda iyo arrimo kale.
Kulanka maanta ayaa ku soo beegmaya xilli muddo 5 bilood ah ka dhimman tahay muddo xileedka madaxda ugu sarraysa dowladda Somalia, uuna sii kordhayo damaca-dhinacyada mucaaradka ee ku aadan in heshiis laga gaaro nooca doorasho ee dalku aadi doono.
Xukuumadda Puntland ayaa muddooyinkii dambe la kulmaysay cadaadis kaga imaanaya siyaasiyiinta ka soo horjeeda oo doonaya in maamul ahaan loo cambaareeyo go’aankii Israel dowlad madax-banaan ugu aqoonsatay maamulka Somaliland.



