Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay xaaladda Somalia & go’aamada Puntland.

1 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa barxadda weyn ee Garoowe kaga qaybgalay xuska 1-da…

siciid deni

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa barxadda weyn ee Garoowe kaga qaybgalay xuska 1-da Luuliyo oo ku beegan xilligii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dheeraaday arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya, tabashooyinka ay qabto Puntland, waxka bedelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo arrimo kale.

“Waxaa nasiib darro ah in markii cadawgii dibadda laga adkaaday in cadaw gudaha ah oo Soomaali kujiraan ay weli dalkaan nabaddiisa diidan yihiin, waxaan u sheegayaa umadda Soomaaliyeed Puntland inay diyaar u tahay inay dhisme dowlad Soomaaliyeed oo sal adag qayb ka qaadato”, Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni, ayaa intaasi ku daray “In xaqiiqada laga bood ma ahan, waxaa jira tabasho waxaana laysku hayaa dastuurkii, waxaa laga gedoodsan yahay caddaaladdii iyo hanaanka wax u socdaan, eed waxba inoo tarimayso Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi””, Ayuu yiri “.

“Puntland ma diidana dastuurka in la dhammaystiro ee waxay diidaysaa xuquuqdii aasaasiga ahaa ee dadka Soomaaliyeed, waxay diidan tahay in wixii lagu heshiiyey meesha laga saaro”, Madaxweyne Deni.