Madaxweyne Deni oo socdaal ku maraya dalalka Itoobiya & Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar aan si rasmi ah loo shaacin ugu ambabaxay…

25 May, 2026
Siciid Deni Safar

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar aan si rasmi ah loo shaacin ugu ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni oo gelinkii dambe shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, ayaa sii maraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya oo uu uga sii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin muddada uu safarkiisu qaadan doono.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo wadatashiyo ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee dalka galay, xilli uu khilaaf xooggan ka dhex taagan yahay DFS iyo mucaaradka.

Madaxweyne Deni ayaa hore dhowr jeer safarro noocan oo kale ah ugu tagay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo qaarkood qaatay muddo dheer islamarkaana aan si buuxda loo faahfaahin ajandayaashooda, iyadoo dalka Imaaraadka Carabta lagu tilmaamo inuu door muuqda ku leeyahay siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo xiriir dhow la leh maamullo ay kamid tahay Puntland.