Madaxweyne Deni oo soo afmeeray socdaalkiisii Bari & Raas-casayr ayaa gaarey Carmo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo afmeeray socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku…

10 September, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo afmeeray socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku marayey deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Raas-casay, si uu ugu kuurgalo xaaladda deegaanka, baahiyaha deegaanka una xoojiyo adkaynta nabadgelyada sida lagu sheegay bayaanno ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha oo habeenimadii xalay ka soo jihaystey degmada dhacda raasiga ugu fog Puntland ee Xaafuun ayaa gaaray deegaannada Dar-daare iyo Xuba-bays ee Gobolka Bari, wuxuuna bulshadii ka qaybgashay soo dhaweyntiiisa ka dhegaystay baahiyahooda la xiriira adeegyada bulshada, madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Dowladdu wax ka qaban doonto baahiyaha adeegyada aasaasiga ah.

Intaas kadib Waftiga Madaxweynaha Puntland ayaa gaarey deegaanka Xiriiro ee Gobolka Bari, halkaasi oo bulshada kula hadlay Fagaaraha magaalada isagoo Intaasi Kadibna kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xiriiro oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn gaarey degmada Carmo ee gobolka Bari oo uu tababar ugu soo xiri doono in ka badan 1500 oo katirsan ciidanka booliska Puntland oo tababar u socdey lixdii bilood ee la soo dhaafay, isagoo warbixinno ka dhegaysan doona maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.