Madaxweyne Deni oo soo jeediyey doorasho lagu bedelayo MW Xasan Sheekh.

28 February, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuusan waxba ka soo…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuusan waxba ka soo qaadin talooyinka uga imaanaya madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Xasan waan ka yaabay si aan ula macaamilno ma leh waa iska qoslayaa, waxaan qabaa aan doorasho qabanno, Madaxweyne Xasan albaabkiisu waa furan yahay hadalkasta waa dhegeysanayaa balse ma qaadanayo talooyinka loo soo gudbiyo”, Madaxweyne Deni

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyey in la qaato go’aan lagu qabanayo doorashooyin lagu soo saarayo Madaxweyne Dalka u dhaama Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nasiib darro ah barlamaan laba bilood u hartay oo dastuurkii dalka oo dhan beddeleaya, Go’aan aan qaadanno oo doorasho qabanno oo Xasan oo kelena yaanu innagu soo bixin”, Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.