Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman…

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa soo xiray Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland, oo muddo labo maalmood ah ka socday xarunta Madaxtooyada ee caasimada Garoowe.
Maalinta Labaad ee Shirka waxaa la dhegaystay hadal-jeedinta Wasiirada Maaliyadda, Warfaafinta iyo Hanti-dhowraha Guud, iyadoo sidoo kale ay warbixin iyo xogo soo bandhigeen Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland, waxaana shirka soo xiray Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxaa Shirka ka qeybgalaya Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimeyaasha Guud, Hanti-dhowraha Guud, Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasime-Waaxeedyada, Isu-duwayaasha Gobollada, Xoghayeyaasha Dowladaha Hoose iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda.




