Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu yeeray Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed inay…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu yeeray Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed inay qabtaan doorashooyinka deegaamadooda dadkana doorasho ku jeheeyaan.
Deni, wuxuu sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay ilaalintada midnimada iyo badnaadinta dalka loona baahan yahay in laga shaqeeyo hirgelinta doorashooyin heshiis lagu yahay.
“Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada harsan iyagay mas’uuliyaddu saaran tahay ee dalka doorasho ha geliyaan oo sharciga dalku lee yahay haku geliyaan”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waxka-bedelkasta oo lagu sameeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia uusan dhaqangal noqon doonin uusanna dalka ka shaqayn doonin, sida uu hadalka u dhigay.
“Dastuurkaan halkaan lagu malmalooqaayo oo dadkii la leeyahay ma tegi kartaan oo lagu dagaalamaayo cid uu dastuur u noqon doono majirto, Aadan Madoobe iyo MW Xasan hadduu dastuur u noqonayo ma aqaan”, Ayuu yiri MW Deni.




