Madaxweyne Deni oo weeraray shirkii NCC iyo xisbigii Muqdisho lagaga dhawaaqay.

14 May, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay Boosaaso ayaa ka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay Boosaaso ayaa ka hadlay natiijada shirkii NCC iyo xisbigii uu xalay Muqdisho kaga dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni “Wixii xalay ka dhacay Muqdisho, marka eegto , xaalku wuxuu marayaa, islaanta indho la’aan hadaa ku ogeydeen dad cunimo ayeey ku darsatay“, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ayuu markale yiri Madaxweynaha Puntland,“Shirka NCC waxaan ku diidnay waa aragtaan maanta, ma dadka leh Jubaland ha la burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya“.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in albaabkiisu u furan yahay ganacsatada reer Puntland,“Ganacsatada marna Albaabkayga kama xirmin, mashruuc ay la yimaadeena lagama hor istaagin in wax loogu daro mahane, anaga waa wax naga go’an in aan dhiirigelino marwalba Ganacsiga iyo maalgashiga” Madaxweyne Deni“.