GAROWE: Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalinimadii shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa…

GAROWE: Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalinimadii shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa xariga ka jari doona mashariic horumarineed oo ay hirgelisey dowladda hoose ee degmada Garoowe.
Goobaha xarigga laga jari doono waxaa kamid ah buundada 2aad ee Garoowe yeelan doonto iyo in ka badan 5 waddo oo laami ah, kuwaas oo laga dhisay mashaariicda bangiga adduunka iyo dhaqaalaha iskutashiga bulshada caasimadda.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa maalinimada berri ah furi doona kal-fadhiga 56aad ee golaha wakiilada Puntland oo looga arrinsan doono arrimo xasaasi ah.



