Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray 20KM oo kamid ah laamiga xiriiriya Garoowe iyo Galkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga…

11 August, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee wadada laamiga dheer ee isku xirata Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo si casri ah loo dhisay.

Wadada laamiga ah ee Bacaadweyn-Gaalkacyo qeybta xariga laga jaray ee la dhameystiray ayaa ah 20-KM oo isu mara deegaannada Heemo, Cagaaran, Horogle iyo laanta-dusmada, Dowladda ayaana mashruucan ku hirgelisay cashuurtii dadka oo dib-loogu celiyay dalka si loo horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

13Km, oo ka mid ah 20-ka Km waxaa dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction Co, halka 7km, ee kale ay dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Albaashi.

Madaxweynaha, oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Hay’adda Waddooyinka Puntland, injineerrada iyo hawl-wadeennada shirkadaha dhisay Wadada, wuxuuna kula dardaarmay in lasii dardargeliyo shaqada, lana dhamaystiro wejiga Labaad ee harsan oo isna dhan 20Km.