Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Karkaar oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ab Golaha Wakiillada, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Karkaar , Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho iyo marti Sharaf kale .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tegay xarunta Gobolka Karkaar, isagoo halkaasi warbixin kaga dhegaystay Masuuliyiinta Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.




