Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bulshada ugu baaqay inay laba indhood yeeshaan muddada ay…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bulshada ugu baaqay inay laba indhood yeeshaan muddada ay socdaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabaddiidka ee Daacish iyo Alshabaab.
Siciid Deni, waxa uu sheegay in dadka intooda xun aysan waxba yeeli karin Puntland haseyeeshee loo baan yahay in bulshada il gaar ah ku hayso cidkasta oo doonaysa inay dibin-daabyeyso reer Puntland.
“Hawlgalkaas inta aan kujirno waxaa la rabaa inaan laba indhood yeelano, isha cadawga argagixisada iyo isha dadka raba inay Puntland dibin-daabyeeyaan, dad xun waxba ma yeeli karaan Puntland hadday waxkasta sameeyaan waayo dad wanaagsan ayaa kunool”, Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.



