Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhalinyarada ku ammaanay doorka ay ka qaateen hawlgalka kooxaha…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhalinyarada ku ammaanay doorka ay ka qaateen hawlgalka kooxaha nabaddiidka ah looga xoraynayo buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Xilli uu xalay la kulmay dhalinyarada magaalada Boosaaso, waxa uu madaxweyne Deni shaaciyey in marka laga yimaado dhalinyarada ciidanka ah intooda ku sugan magaalooyinku ay bixiyeen dhiig shubid, xog gudbin iyo diyaarinta sahayda Ciidamada hawlgalka kujira.
“Runtii waxaan aad ugu faraxsanahay xammaasadda dhalinyarada, waxaa noo dhimman dhalinyaradu inay laamaha amniga toos ula shaqayso, nin walba nin xubnuu yaqaanaa, sida hadda dhacda nin walba midkii uu yaqaaney ee xun inuu soo sheego”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dalbaday in dhalinyaradu laba jibbaaraan soo gudbinta xogaha dhanka ammaanka iyo cid walba oo ay ku tuhmaan inay xiriir la leeyihiin kooxaha nabaddiidka ah.
“Hadday arkaan dad si xun u soconaya ama nin guriga soo degoo aan la garanayn, hadhaw mid xun haddii la dilo yaan la oran hebel buu ahaa, ninkii meel xuntaagan hebel ma ahan waa Daacish”, Ayuu yiri MW Deni.