Madaxweyne Deni,”Wixii loogu tegey Cal-miskaad dad reer Puntland ah ayaa fududeeyey”.

20 March, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan dhiirigelin iyo xog waraysi ah la yeeshay hormuudka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan dhiirigelin iyo xog waraysi ah la yeeshay hormuudka iyo qaybaha kala duwan ee haweenka kunool magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa guud ahaan haweenka reer Puntland uga mahadceliyey kaalintii ay ka qaateen hawlgalka Daacish looga ciribtirayo buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, wuxuuna xusay in guulaha ciidanku gaareen inta ugu badan ay lahaayeenka haweenka oo maalin iyo habeenba u taagan garab istaagga dowladda iyo ciidanka dagaalka kujira.

“Guulaha ay wiilasheenu ka soo hoyiyeen Cal-miskaad waxaa hormuud u ahaa shaqada quruxda badan ee haweenka Puntland qabteen, dad shaqadooda loo tilmaamayo matihidin, waxaad qayb ka qaadataan dagaalka oo ciidankaa kujirtaan, xogaha ayaa soo gudbisaan,abaabulka ayaa qayb weyn ku leedihiin iyo horumarada guud ee Puntland. waad toosisaan kuwa qaldan, haddii laamaha ammaanku shaqo ka qabanayaanna garab ma siisaan, haddii dhalinyarada qaldamaya dhalinyaradu garab siiyaan dalkaani amnigaan ma heleen, intaas waxaa la rabaa in la sii laban laabo”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay im halistii ammaan ee laga hortegey iyo wixii loogu tegey Cal-miskaad ay muujisay anfariir dadweyne isla markaana ay fududeeyeen dad reer Puntland ah oo ay tahay in lagula xisaabtamo sida uu hadalka.

“Waxa loogu tegey Cal-miskaad ee dadkii la anfariireen cidda u sahashay ama dhuumisay waa dad reer Puntland ah, waa inaynaan ku dugsan kan ayaa na xiga ama qaraabo nahahy qaladaadka mustaqbalkeena saamaynaya”, Ayuu markale yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.