Madaxweyne Firdhiye oo ku-xigeenkiisii shaqo cusub u igmaday.

4 December, 2025

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ku-xiegenkiisii Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u magacaabay guddoomiyaha…

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ku-xiegenkiisii Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u magacaabay guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Firdhiye ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 16 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, lana faray inay ka hawlgalaan u gurmashada bulshada abaartu saamaynta ku yeelatay.

Magacyada guddiga:-

1.Madaxweyne Ku Xigeenka Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Gudoomiyaha Guddida)

2.Wasiir Axmed Cali Yakhle

3.Wasiir Maxamed Diiriye Faarax (Shariif)

4.Wasiir Cali Dhakaawe Warsame

5.Wasiir Gen. Cabdi Xasan Maxamed

6.Wasiir Dr. Aadan Jaamac Muuse

7.Wasiir Cabdikariin Maxamuud Cabdi

8.Wasiir Siciid Maxamed Cabdiraxmaan

9.Wasiir Saynab Cabdiraxmaan Calawaash

10.Xildhibaan Sh. Aadan Cabdi Xuseen

11.Shiikh Axmed Maxamed Saleebaan

12.Shiikh Xirsi Aadan Maxamed

13.Shiikh Siciid Cabdi Xuseen

14. Mud. Jaamac Cabdi IsmaaciiL

15. Mud. Jaamac Xasan Maxamed

16. Mud. Abshir Aadan Maxamuud

Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali ayaa sheegay in guddigaani u xil-saaran yihiin u qareemidda, wax ka qabashada iyo u gurmashada shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaamada uu ka arrimiyo maamulka Waqooyi Bari.