Madaxweyne Firdhiye oo magacaabay guddi wada-xaajood lageli doona Somaliland.

9 November, 2025

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaaayaa habeenimadii xalay si rasmi ah u magacaabay…

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaaayaa habeenimadii xalay si rasmi ah u magacaabay Guddiga Nabadda iyo Wada xaajoodka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddigaan oo aan digreetada Magacaabis lagu carrabaabin waajibaadkooda shaqo ayaa xog hoose sheegaysaa inay wada-xaajood la geli doonaan maamulka Somaliland si labada dhinac isu dhaafsadaan Maxaabiista ay kala haystaan.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1. Mud. Saleebaan Cabdi Ducaale: Guddoomiye

2. Mud. Cabdalle Aadan Cabdi: Guddoomiye ku xigeen

3. Mud. Cabdi Sahal Maxamed Jaamac : Xoghayn

4. Mud. Cabdikariin Xasan Jaamac : Xubin

5. Mud. Jaamac Xasan Ibraahim : Xubin

6. Mud. Maxamuud Mire Kalce : Xubin

7. Mud. Cabdalle Axmed Maxamed : Xubin

Madaxweynaha ayaa xubnaha ugu duceeyay in Illaahay u fududeeyo masuuliyadda uu igmaday oo ah ka shaqaynta Nabadda iyo wadaxaajoodyada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay booqashadiisa Laascaanood shuruud uga dhigay siidaynta maxaabiista Somaliland ayaa ku dirqiyey madaxda Maamulka Waqooyi Bari inay aqbalaan nabadda isla markaana ay guddigaan u xil-saaraan wada-xaajoodyada Somaliland.