Madaxweyne Geelle oo ka digey saldhig Israel ka dhisato Berbera.

26 February, 2026

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga…

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga hadlay arrimaha ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale cambaareeyay doorka Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay hormuud ka yihiin taageerada Israa’iil ee gobolka, ayna qayb ka yihiin qalalaasaha dalalka Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya iyo meelo kale.

“Xiriirku waa qabowyahay. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxman Cirro. Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay”, Ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisu uusan raali ka ahayn qalalaase siyaasadeed oo gobolka ka dhaca ayaa ku adkeystay in falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah lagu soo koobayo hal war, “Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan”

Ugu dambayntiina Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ujeedada Israa’iil ay tahay in ay ka faa’iideysato dhulka Somaliland iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, wuxuuna tilmaamay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in uu wax walba siiyo Netanyahu si uu u helo aqoonsigaas, wuxuuna tallaabo aan la aqbali karin ku sheegay saldhig Yuhuuddu ka dhigato Berbera.