Madaxweyne Guudlaawe oo furay shir looga hadlayo arrimaha bini’aadanimada.

10 November, 2025

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha…

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya oo meertadan lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Shirkaan ayaa ku soo beegmaya xilli abaar baahsan ku dhufatay guud ahaan gobolada dalka Somalia ayna arrinkaasi qayla-dhaan xooggan ka muujiyeen maamul goboleedyada iyo Hay’adaha dowladda federalka ee Somalia.