Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka guud ee deegaannada Hirshabeelle, waxaana ka qaybgalay wasiirka amniga iyo saraakiisha ciidamada AUSSOM.
Ugu horeyn Taliyaha qeybta 5aad ee ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi Col. Oscar Hatungiman ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan dadaaladooda dhanka nabad-galyada ee sanadihii dambe ay ka wadeen Soomaaliya gaar ahaan Hirshabeelle oo goobo dhowr ah ay ka joogaan.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saraakiisha kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga, loogana hortagi lahaa dhagarta Khawaarijta.