Madaxweyne hore Farmaajo oo ka degey Magaalada Muqdisho.

10 February, 2026

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan guri mahadcelin ah looga dhisay deegaanka Ceeljaalle ee degmada Marka ayaa soo laabashadiisa Muqdisho imaanaysaa xilli lafilayo inuu furmo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamo iyo wafuud hordhac u ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa saaka u duulay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, xilli gelinka dambe ee maanta la sugayo wafuudda sare ee labada maamul.