23 November, 2025
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay xubno ka…

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa sheegay in dalka Somalia uu wajahayo xaalad aad u cakiran.
Madaxweyne hore Farmaajo waxa uu shaaciyey in Somalia ay ka jirto mid la mid ah macaluushii dhacday 1992-dii (Caga Barar), islamarkaana ay jiraan dad maalin dhaaf wax u cuna, sida uu hadalka u dhigay.



