Madaxweyne hore Farmaajo oo si adag uga hadlay dhacdadii guriga Taliye Shub ee Doolow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga…

4 September, 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub”, kaas oo ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Farmaajo ayaa weerarka ku tilmaamay “fal foosha xun”, isaga oo sheegay in bartilmaameedsiga hoyga Janaraal Mahad, oo muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, uu dhaawac ku yahay dowlad-dhiska dalka iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

“Weerarkan foosha xun ee lagu qaaday hoyga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo muddo dheer usoo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu dhaawac ku yahay dowlad-dhiska dalka iyo dadaallada dib u heshiinta shacabka Soomaaliyeed, waana fal bahalnimo ah oo ay tahay inaan cod midaysan ku diidno,” ayuu yiri Farmaajo.