Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa ku amray dhammaan xarumaha dowladda iyo goobaha…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa ku amray dhammaan xarumaha dowladda iyo goobaha ganacsiga inay xirtaan cameroyiinka ammaanka.
“Waxaan amarnay in Hay’adaha dowladda, goobaha ganacsiga iyo waddooyinka muhiimka ah dhammaan lageliyo Camerooyinka, si ay u caawiyaan Hay’adaha kala duwan ee ammaanka”, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay maamulka degmada Garoowe inuu qaar kamid ah waddooyinka ku xiray Cameradaha ammaanka oo lagu soo helay xogta laba kays oo magaalada ka dhacay bilihii ugu dambeeyey.
“Waxaa markhaanti ka tihiin in labadii kiis ee ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada oo dil iyo kufsi ahaa raadkooda laga soo helay cameradaha lagu xiray waddooyin iyo goobo ganacsi”, Ayuu yiri Markale Madaxweyne Lugatoor.



