Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo guddoomiyey go’aamadii beelaha gobolka Nugaal.

30 September, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa boggaadiyey Shirka bulshada Gobolka…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa boggaadiyey Shirka bulshada Gobolka Nugaal, kaasi oo intuu socday looga hadlay ka shaqeynta nabadgelyada, midnimada ,horumarka guud ee Gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in bulshadu u midoobaan ka shaqeynta nabadgelyada , midnimada, horumarka iyo garab istaaga Hawlgalka dalka looga ciribtirayo Argagixisada, waana arrin looga baahan yahay degmo kasta iyo Gobolkasta.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Suldaan Subeyr Maxamuud Cali ,Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga, Siyaasiyiin, Ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Nugaal.