Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo hay’ado kala shiray gurmadka abaaraha.

10 November, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Kulanka Dowladda…

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Kulanka Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland, Kaasi oo looga hadlay xaaladda Abaarta Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa Wasaaradaha ku shaqo leh iyo Masuuliyiinta Hay’adaha ka dhegaystay Warbixin iyo xogo ku saabsan saameynta Abaartu ku yeelatay Gobolada Puntland, wuxuuna muujiyay muhiimada ay leedahay in dhakhso looga jawaabo xaaladdq jirta oo gurmad la gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Qodobada Kulanka:

* Sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka Abaartu saameysay iyo qorshihii lagu wajahi lahaa.

* Hawlgelinta Guddiga Dowladdu u xilsaarayso ka jawaabista xaaladda Abaarta Puntland.

* Qabashada Shirweynaha Dowladda iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, oo qorshuhu yahay in la qabto 03, December 2025, waxaana looga hadli doonnaa xaaladda Abaarta Puntland.