Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay isu-soobax roob-doon ah.

3 November, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon ah oo Eebbe lagu waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada.

Isu soo baxaan Roob doon ka ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaalada Dastuurka Arimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland,kana ka qabsoomay garoonka Mire-Awaare ee magaalada Garoowe, waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey maamulka gobolka Nugaal, kan dagmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawladda, culimo, Isimo, haween iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa dadweynaha Puntland ku waaniyay inay is cafiyaan, waxaana uu tilmaamay in abaaraha soo noqnoqday ay ka dhasheen danbiyada la galayo, loona baahan yahay in Eebbe loo noqdo si culayska uu inooka dulqaado.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland,ayaa Alle ka baryey inuu abaarta ka dulqaado ummadiisa, uguna bedelo Raxmaddiisa, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay isu naxariistaan oo is taakuleeyaan.