Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeer ku tegay Garoonka…

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeer ku tegay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Cabdullaahi Bile Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Axmed Yuusuf iyo Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.
Madaxweyne ku xigeenka, ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka oo dhisme iyo dayactirba Dowladdu ku samaysay, waxaana sidoo kale uu booqday dhismaha Hotel-ka casriga ah ee garoonka, kaasoo dhismihiisu meel gabogabo ah marayo.





