Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa maanta u kuurgalay habsami…

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa maanta u kuurgalay habsami u socodka shaqada ee qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha ee Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerka xarumaha Hay’adaha Dowladda, ayaa maanta booqday Wasaaradaha Duulista, Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiinta xarumahaasi.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradaha isaga oo ku bogaadiyey Adeega ay bulshada u hayaan, isla markaana kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan.





