Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay madax ka socota Hay’adda IOM

31 March, 2026

Garoowe : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi…

Garoowe : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM oo uu hoggaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda ee Puntland, Faysal Maxamuud.

‎Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda IOM ka wado Puntland  iyo xoojinta wadashaqaynta hay’adda iyo Dowladda, waxaana ka qayb galay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa la socodka Mashaariicda iyo Hawlfulinta Dawladda.

Horseed Media