Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland…

Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa iyo wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Jaamacadda Pwani ee dalka Kenya Prof. James Kahindi iyo Hormuudka Kuliyadda Culuumta Badda iyo Kalluumeysiga Prof. Bernerd Fulanda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga waxbarasho iyo horumarinta aqoonta la xiriirta culuumta badda iyo kalluumeysiga ee Puntland, iyadoo Madaxweyne Ku-xigeenku uu soo dhoweeyay dadaalka lagu ballaarinayo iskaashiga waxbarasho ee caalamiga ah.
Jaamacadda Pwani ee Kenya ayaa deeqo waxbarasho oo heerka labaad ah siisay shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland si kor loogu qaado xirfadooda iyo fahamka ku saabsan maaraynta kheyraadka badda iyo kalluumeysiga waara.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud Cismaan Maxamuud Cali iyo maamulayaasha Jaamacadaha East Africa iyo CityCot kuwaas oo qayb ka ah heshiiska iskaashi ee waxbarasho iyo cilmi-baaris.
Ugu dambeyn Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa tilmaamay in iskaashigan uu fure u yahay kobcinta aqoonta dhalinyarada iyo shaqaalaha dawladda isagoo ku baaqay in laga faa’iidaysto fursadaha waxbarasho ee la helay.








