Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qaabilay wafti ka socda dalka Cuman.

13 November, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa habeenimadii xalay qaabilay…

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa habeenimadii xalay qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo uu hoggaaminayo Maamulaha Maxjarada Cumaan Mudane Khalfaan, ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah Ganacsato iyo maalgashadeyaal ka socda dalka Cumaan.

Waftigaan ballaaran ee ka socda dalka Cuman ayaa u yimid deegaamada Puntland furitaankii Maxjarka cusub ee xanaanada Xoolaha Puntland ee (Shaakir) oo laga hirgeliyey Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay booqashadooda Wafdiga ka socda Cumaan, isagoo xusay xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Cumaan, wuxuuna la wadaagay in Puntland ay u diyaarsantahay maalgashi ayna soo dhoweynayso cidkastoo maalgashi ugu timaada.