30 August, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday xarunta East Africa Consulting & Advisory ee Dalka Jarmalka.
Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha horumarka, iskaashiga labada dhinac iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland kuwaasi xaruntani galaangal iyo u-qareemid uga samaynayso Dowladda Jarmalka.
Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu wafdiga uga mahadceliyey booqashadooda iyo danaynta ay u muujiyeen iskaashiga, maalgashiga iyo horumarinta Puntland.




