Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shirweyne ku qabtay gobolka Sool.

1 August, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor oo uu weheliyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise…

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor oo uu weheliyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise ayaa maanta kulan isxogwareysi la qaatay Cuqaasha, Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Boocaame iyo 11 Tuulo oo hoos yimaada.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa kala war qaadasho Madaxweyne Ku-xigeenka iyo bulshada deegaanka, la shaqaynta Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Dowladda Puntland, horumarinta adeegyada bulshada, Sare u qaadida Amniga iyo adkaynta Nabadgelyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa balan qaaday wax ka qabashada baahiyaha deegaanka ee waxgaradku soo gudbiyey oo uu xilsaaray Wakiil gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya iyada oo mudnaanta la siinayo sida ay ukala muhiimsan yihiin, isaga oo la wadaagay bulshada deeganka Mashaariicda diyaar ka ah oo ay kamid yihiin.

1-Bilaabida Xarumaha Caafimaadka ee Tuulooyinka Buurawadal iyo Hadhwanaag.

2- Dhismaha Iskuulka Buurawadal.

3-Taabagelinta Isbitaalka Degmada Boocame iyada oo loo diyaarshay qalab casri ah iyo Shaqaale Xirfadoodu sarayso.

4-Macaanaynta Biyaha Degmada Boocame oo hada diyaar ah.

5-Horumarinta Beeraha.

6- Bilaabida Ceelasha Biyaha ee Fardhidin iyo Karin gorfood.