Riek Machar ayaa xabsi guri ku jiray tan iyo bishii March, waxaana eedeymihii ugu dambeeyay ay halis gelinayaan heshiiska awood qeybsiga ee uu la galay madaxweyne Salva Kiir.

Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan, Riek Machar, ayaa lagu soo oogay dacwad khiyaamo qaran iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, sida ay sheegtay wasaaradda cadaaladda ee dalkaasi maanta oo Khamiis ah.
Eedeymaha lagu soo oogay Machar ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xero ciidan oo ku taal Nasir bishii Maarso, xilligaasoo lagu dilay in ka badan 250 askari.
Waxa uu tan iyo markaas ku jiray xabsi guri, taasoo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Salva Kiir.
Suudaanta Koonfureed ayaa sanadkii 2011 ka xorowday Suudaan, balse wax yar kadib waxa uu dagaal sokeeye oo shan sano ah oo u dhaxeeya Kiir iyo Machar oo ay ku dhinteen ilaa 400-kun oo qof.
Kiir ayaa Machar u magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee 2018 kaas oo aan waligiis si buuxda loo dhaqan gelin.
Wadashaqeyntoodu waa mid aan fiicneyn, waxaana sii socday rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya kooxahooda.
Xariga Madaxweyne Kuxigeenka ayaa kiciyay cabsida laga qabo dagaal markale ka qarxa Koonfurta Suudaan.
Wasiirka cadaalada Joseph Geng Akech ayaa sheegay in eedeymahaasi ay fariin cad u dirayaan: “Kuwa gaysta tacadiyada ka dhanka ah shacabka South Sudan, ciidamada qalabka sida, iyo shaqaalaha bini’aadantinimada waa lala xisaabtami doonaa, iyada oo aan loo eegin mawqifkooda ama saameyntooda siyaasadeed”.
Marka laga soo tago Machar, 20 kale ayaa lagu eedeeyay kiiska, oo ay ku jiraan toddobo sarkaal oo sare oo dowladda ah. Eedaha loo haysto waxaa ka mid ah khiyaamo qaran, dil, shirqool, argagixisanimo, burburin hanti dadweyne iyo hanti ciidan iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
Puok Both Baluang, oo ah afhayeenka Machar, ayaa sheegay in eedeymihii ugu dambeeyay “ay ka dhigan yihiin ugaarsi siyaasadeed” iyo in nidaamka caddaaladda uusan lahayn madax-bannaani oo loo adeegsan karo siyaasad.
Weerarkii Maarso
Maleeshiyo ka soo jeeda qowmiyadda Nuer ee uu ka soo jeedo Machar, loona yaqaan Ciidanka Caddaan, ayaa horraantii bishii Maarso la wareegay saldhigga Naasir, iyagoo dilay saraakiil sarsare oo uu ku jiro Jeneraal.
Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa rasaas lagu furay xilli ay ku guda jirtay howlo samatabixin ah, waxaana la dilay duuliye.



