Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland oo la kulmay Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya

14 December, 2024

Jubaland ayaa wadahadal la yeelatay hogaanka ciidamada Itoobiya, kadib dagaalkii Raaskambooni.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowladda Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula,

kulanka ayaana looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee kusugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Dowladda Jubaland iyo isu socodka bulshada Kunool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

Horseed Media