Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo hambalyada Maalinta Calanka u diray shacabka Soomaaliyeed

Published: October 12, 2021

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyay 12 Octobe oo ku beegan 67-sanno guuradii ka soo wareegtay maalintii la sameeyey calanka Soomaaliyeed 12, Oktoobar 1954-tii.

Anigoo ku hadlaya afka Dawladda iyo Shacabka Puntland waxaan ummadda Soomaaliyeed si diirran ugu hambalyeynayaa maalintan qiima leh, waa sumad iyo astaan qawmi ah oo mudan karaamayn,”

ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka puntland

Hal-abuurihii Calankan Maxamed Cawaale Liibaan AUN iyo intii u soo dhimatay ee sababtay inuu si xora dunida uga babado ee u soo halgantay. Inteenna u heellan maamuuskiisa iyo qimayamkiisana Alle ha u fududeeyo.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *