Madaxweyne Lafta-gareen oo gaarey Magaalada Baydhabo

17 March, 2026

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu gaarey…

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu gaarey Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulkaasi.

Inkastoo aan la shaacin nooca duulimaadkiisa rasmiga ah haddan Lafta-gareen waxaa Baydhabo ka dejisey diyaarad la rumaysan yahay inay ka soo qaadday Magaalada Addis Aababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Lafta-gareen oo horay safar cumro ugu maqnaa Sucuudiga ayaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loogu jaahwareersanaa halka uu ku sugan yahay, iyadoo dowladda federalka ah ee Somalia qorshaynaysay in laga horjoogsado safarkiisa Baydhabo ama uu soo maro Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo horay dhawr jeer ugu safray Addis Ababa ayaa ku guul-darraystay inuu Itoobiya ku qanciyo dhabarjebinta Lafta-gareen oo hadda qaadacay qorshaha doorashooyinka tooska ah ee ay waddo Dowladda Federalka ah ee Somalia.