Madaxweyne Lafta-gareen oo iska-casiley xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

18 March, 2026

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay…

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee loo soo gaabiyo JSP iyo ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedayda qaybta ka ah xibsiga.

War-saxaafadeed uu warbaahinta la wadaagey Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi kana soo baxay Madaxtooyada Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa lagu sheegay in uu qaatay go’aankaasi kuna dhawaaqay maanta.

“Madaxweynaha DG Koofur Galbeed oo xubin ka ahaa Xisbiga CCaddaaladda iyo wadajirka (JSP) Ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad-Goboleedyada waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu iska casilay xilkaas”, Ayuu yiri Afhayeenku.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in Madaxweyne Lafta-gareen ka tanaasuley qabashada doorashooyin toos ah una diyaarinayo maamulkaasi hirgelinta doorasho dadban oo lagu soo dooranayo barlamaanka iyo hoggaanka ugu sarreeya maamulkaasi.