Madaxweyne Lafta-gareen oo ka fekeraya qorshe ka dhan ah Villa Somalia.

7 September, 2025

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mamnoocay in noocyada kala duwan ee hubka lagu dhex qaato Magaalada…

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mamnoocay in noocyada kala duwan ee hubka lagu dhex qaato Magaalada Baydhabo, oo caasumad kumeel gaar ah u ah Maamulkaasi.

Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed oo ka duulaysa dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta mucaaradka ayaa joojisay in cid aan ka ahayn ciidamada ammaanku hub ku dhex qaataan ama la soo galaan guuda ahaan Magaalada Baydhabo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu isku diyaarinayo doorasho aan ka ahayn midda qof iyo cod ee ay waddo dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Lafta-gareen ayaa horay Villa Somalia ugula heshiiyey inuu qaato muddo kordhin labo sano ah isla markaana qayb ka noqdo doorashooyin dadweyne, isagoo xubin sare ka noqday xisbiga dowladda ee looga dhawaaqay Muqdisho.