Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay ku-xigeenka QM ee Somalia.

5 April, 2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan muhiim ah Magaalada Muqdisho kula…

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan muhiim ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimo dhowr ah oo muhiim u ah mustaqbalka Gobolka, waxaana ka mid ahaa: Amniga, Siyaasadda, iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa iska xog-waraystay xaaladda Amni ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerada ay u baahan yihiin Bulshada iyo dadaallada socda ee lagu Daadejinayo Adeegyada Dowladda

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Dhanka kalena, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka tacsiyeeyey geerida AUN Gaashanle Sare Nuur Farey Gaabow oo ahaa Taliyaha Guutada 14- Oktoobar ee Ciidanka Xooga Dalka.