Madaxweyne Lafta-gareen oo markii ugu horraysay warbaahinta la hadlay kadib khilaafka DFS.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa markii ugu horreysey ka hadlay go’aankiisa…

18 March, 2026

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa markii ugu horreysey ka hadlay go’aankiisa ka bixitaanka xisbiga JSP, xiriir uu u jaray DFS iyo xaaladda siyaasadeed ee Somalia wajahayso.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qorshaha Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud falkinayo ee ah in meel kasta maleeshiyo beeleedyo lagu abuuro ay carqalad gelinayso ammaanka guud ee dalka lagana dhaxli doono cawaaqib-xumo iyo dagaal sokeeye.

“Waxa Xamar laga wado, wax Soomaali mideynaya maaha, waa kala geynta ummadda Soomaaliyeed, Raskambooni ilaa Lowyacado in dagaal Sokeeye laga rido ah”, Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonur Galbeed Somalia.

“Sababtaan saddex sano u dulqaadanaynay waxay ahayd in dadka Soomaalida jecel aysan nixin, waxaan diidanayn in la yiraahdo reer hebel bes ayaa ku haray dowladdii Soomaaliyeed, intaas waxaan baxnaaninaynay inaanaan noqon dadka Soomaaliyeed ee la raadiyo ee aan noqono kuwa miiska loogu yimaado”, Ayuu yiri Lafta-gareen.